PROBLEM Hage qoysaska loogu talagalay GAMBLING

SOMALI PROBLEM GAMBLING Hage qoysaska loogu talagalay Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay A Pan American Health Organization / World H...
Author: Crystal Mathews
6 downloads 2 Views 1MB Size
SOMALI

PROBLEM GAMBLING Hage qoysaska loogu talagalay

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

A Pan American Health Organization / World Health Organization Collaborating Centre Affiliated with the University of Toronto

Problem Gambling: A Guide for Families Problem Gambling Project staff isbn 0-88868-472-X Waxaa lagu daabacay Kanada Copyright © 2004, 2005, 2006, 2008 Centre for Addiction and Mental Health, Toronto ON Iyadoo aan ogolaasho qoraal ah laga helin ciddii daabacday dib-looma-soo-saari karo ama lama gudbin karo qeybo ka mid ah howshan qaabkey doonto ha noqoto ama habkeey doonto elektaroonik ama makaanik ha noqotee, oo aay ku jirto sawirid ama cajalad ku duubid ama hab kasta oo warka lagu keydiyo ama lagula soo baxo – marka laga reebo soo xigasho gaaban (oo aan ka badneyn 200 oo eray) oo dib-u-eegis ama howl qof mihinad leh qabanayo ah. 2844/03-2004, 03-2005, II-2006, 03-2008

Tusmo

Mahadnaq 5 Hordhac 7 1 Waa Maxay Khamaaridda? 9 2 Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh? 13 3 Saameynada Khamaarka 19 4 U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka 27 5 Gargaar Helidda 41 6 Halka Laga Helo Gargaar 47

3

Mahadnaq

Hagahan wuxuu ku dhisan yahay aqoonta iyo waayoaragnimada shaqaalaha Mashruuca Khamaarka Dhibaatada leh ee Centre for Addiction and Mental Health (camh). Waxaan sidoo kale fikrado ka helnay la-taliyayaasha iyo dadka kale ee la shaqeeya dadka uu saameeyey khamaarka dhibaatada leh ee Ontario oo dhan. Ugu dambeyn, waxaan u mahadnaqeynaa macaamiisha aqriyey nuqulka-hore ee qoraalka (manuscript) oo na siiyey taladooda qiimaha leh. Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay waxaa soo saaray shaqaalaha Agaasinka Waxbarashada iyo Daabacaadda ee camh.

5

Hordhac

Kan waa hage loogu talagalay dadka ka welwelsan in qof aay isku dhow yihiin uu leeyahay dhibaato khamaar. Haddii aad adiga naf ahaantaada dhibaato khamaar leedahay, fadlan eeg buugga-yar ee Problem Gambling: Arrimaha, Doorashooyinka. Qof muhiim kuu ah ayaa laga yaabaa in uu u khamaaro si aad ka welwelsan tahay. Khamaaridda xubin qoyska ah waxay keeni kartaa dhibaatooyin lacageed iyo kuwo qoys. Waxaa dhici karta in tan aay kaa careysiiso ama aad ku wareerto. Qoysaska badankood ee aay soo wajahdo dhibaato khamaar waxay rabaan in aay ogaadaan sida aay dib ugu soo ceshan karaan awoodda-xukunka naftooda. Waxaan rajeyneynaa in hagahan uu kaa caawiyo in aad: • trovare le risorse che hanno aiutato altre famiglie. • fahamto khamaarka dhibaatada leh • fahamto sida khamaarka uu u saameyn karo qoyskaaga • hesho habab aad nolosha qoyskaaga dib-u-habeyn ugu sameyso • wax ka qabato arrimaha lacageed • ogaato sida la-talinta aay adiga iyo qoyskaaga idiin caawini karto • hesho ilaha caawiyey qoysaska kale. Waxaa dhici karta waqtigan xaadirka ah in aad dareemeyso noloshaada in aay faraha ka baxday. Waxaa dhici karta khamaaridda in aay kuu keeneyso dhibaatooyin qoys iyo lacageed oo xoog badan. Laakiin markaad hesho kaalmo, 7

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

qoyskaaga wuxuu wax ka qaban karaa oo uu ka gudbi karaa dhibaatooyinka uu khamaarka keenay. La-taliyayaal si gaar ah loo soo tababaray ayaa ka caawiyey kumanaan qof in aay joojiyaan ama xukumaan khamaariddooda. Dadka leh dhibaatooyinka khamaarka weey ka fayoobaadaan, qoysaskoodana weey bogsoodaan. Qoyskaaga dadkaas ayuu ka mid noqon karaa. Marka aad qaadatay hagahan, waxaad qaaday talaabada koowaad ee muhiimka ah.

8

1 Waa Maxay Khamaaridda?

Waad khamaareysaa mar walba oo aad ku nasiibsato in aad lacag ama alaab weydo ama lumiso, marka nasiibka uu go’aamiyo guuleysashada iyo khasaaridda. Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo loo khamaaro: • ciyaaraha kasiinada • bingo • keno • makiinadaha lagu guro lacagta • tikidhada baqtiyaa-nasiibka • tikidhada la xoqo, Nevada ama pull-tab • sharad turub, maajong ama dumno • sharad kale oo ciyaareed • sharadka ciyaaraha xirfadda ah sida golfka ama bilyaardiga • tombola iyo ciyaaraha la midka ah • khamaarka internetka • saadaalin aan cilmi ku dhisneyn ee seyladda maaliyadda

(stocks)

9

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

dhibaatooyinka khamaarka: tirooyinka Ontario • 2005-06, Ontario Lottery and Gambling (OLG) waxay sameysay dakhli $2 bilyan ah marka laga saaro kharashyada gobolka ka dib.1 • 2005, dadka waaweyn waxay qiyaastii geliyeen $485 khamaar dowladda la xiriira lacagta lagu guuleystayna weey ka yar tahay taas marka loo barbardhigo $106 1992.2 • 2005, 3.4% dadka waaweyn ayaa lahaa dhibaato khamaar oo dhexdhexaad ama xoog badan.3 • 2005ta, dhalinyarada waaweyn, ee da’doodu ahayd 18 ilaa 24, ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3% dadka waaweyn waxay yiraahdeen ugu yaraan hal mar ayeey khamaareen sannadkii la soo dhaafay.3 • Howlaha khamaarka ee ugu badan ee aay dadka waaweyn ku howlanaayeen 2005ta waxay ahayd tikidhada baqtiyaanasiibka.3 • 2005ta, qiyaastii 4% ardayda dugsiyada sare waxay halis ugu jireen dhibaato khamaar.4 Kanada • 2005ta, toddobadii qof ee rag iyo dumar waaweyn ah ee kaligood nool hal ayaa lacag geliyey kasiinooyinka, makiinadaha lacagta lagu rido iyo fiidyowyada weliba ragga ayaa geliyey in ka badan 3 jeer lacagta dumarka geliyeen.2 • Markii khamaarka heliddiisa sii sahlanaataba, tirada dadka aay saameyso dhibaatada khamaarka weey sii bataan .5.6

10

Waa Maxay Khamaaridda?

SOO XIGASHADA 1. Ontario Lottery and Gaming. (2006). Annual Report 2005-2006. Available: www.olg.ca/assets/documents/annual report/annual report 05-06.pdf www.olg.ca/assets/documents/annual report/annual report 05-06.pdf Accessed February 01, 2008. 2. Statistics Canada. (2007). Perspectives on labour and income: Gambling. (Catalogue No. 75-001-XIE). Available: www.statcan.ca/english/freepub/75-001XIE/comm/01.pdf www.statcan.ca/english/freepub/75-001XIE/comm/01.pdf Accessed February 01, 2008 3. Wiebe, J., Mun,P. & Kauffman, N. (2006). Gambling and problem gambling in Ontario. Toronto, ON: Responsible Gambling Council. Available: www.gamblingresearch.org/download.sz/1043%20Final %20Report%20POSTED%20VERSION.pdf?docid=7670 www.gamblingresearch.org/download.sz/1043%20Final %20Report%20POSTED%20VERSION.pdf?docid=7670 Accessed February 01, 2008. 4. Centre for Addiction and Mental Health (2006). The mental health and wellbeing of Ontario students19912005 (CAMH Research Document Series No. 18). Available: www.camh.net/Research/Areas of research/Population Life Course Studies/OSDUS/OSDUS2005 mental detailed fnl.pdf Accessed February 5, 2008. 11

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

5. Korn, D., Gibbins, R. & Azmier, J. (2003). Framing public policy towards a public health parafigm for gambling. Journal of Gambling Studies, 19(2), 235-256. 6. Jacques, C. & Ladouceur, R. (2006). A prospective study of the impact of opening a casino on gambling behaviours: 2 and 4 year follow ups. Canadian Journal of Psychiatry, 51(12), 764-773.

12

2 Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh?

Khamaar dhibaato leh ma ahan oo kaliya in lacag la khasaaro. Dhibaatooyinka khamaarka waxay saameyn ku yeelan karaan nolosha qofka oo dhan. Khamaarka wuxuu dhibaato noqdaa marka uu: • kaa hor istaago shaqo, dugsi ama howlo kale • waxyeelo u geysto caafimaadkaaga jireed iyo maskaxeed • ku dhaawaco dhaqaale ahaan • sharaftaada khasaaro u geysto • qoyskaaga iyo saaxiibadaa uu dhibaato u keeno.

Heerarka kala duwan ee dhibaatooyinka khamaarka (eeg sanduuqa hoose).

heerarka dhibaatooyinka khamaarka Dhibaatooyinka khamaarka waxay u dhaxeeyaan kuwo qafiif ah ilaa kuwo xoog badan: • Dadka khamaara badankood waxay u sameeyaan si fudud oo raaxo loogu talagalay waxyeelo la’aan. • Dadka sida dhabta ah u khamaara joogto ayeey u ciyaaraan, laakiin khamaarka kama hormariyaan qoyska iyo shaqada. • Dadka sida xad-dhaafka ah u khamaara badanaa dhibaato ayeey kala kulmaan shaqadooda, ama qoyska iyo saaxiibada. Khamaariddooda badanaa dhibaatooyin lacag ayeey keentaa. • Dadka qaarkood, khamaarka si xoog leh ayuu dhibaato ugu geystaa qeyb walba oo noloshooda ah.

13

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Dadka leh dhibaatooyin khamaar waxaa laga heli karaa dad da’, dakhli, dhaqan iyo shaqo walba leh.

Dadka sida xad-dhaafka ah u khamara oo dhan isku mid ma aha, dhibaatooyinka aay la kulmaana sidoo kale isku mid ma ahan. Dadka leh dhibaatooyin khamaar waxaa laga heli karaa dad da’, dakhli, dhaqan iyo shaqo walba leh. Dadka qaar islamarkiiba ayeey yeeshaan dhibaatooyin khamaar, kuwo kalena sannado badan ayeey ku qaadataa. Waxaa jira sababo fara badan oo keeni kara dhibaato khamaar. Tusaale, dadka qaar waxay yeeshaan dhibaato markii aay isku dayaan in aay dib u soo ceshtaan lacag aay khasaareen, ama waxay ka helaan in aay “howsha ku dhex jiraan.” Kuwo kalena waxay leeyihiin culeysyo badan oo nolosha ah oo khamaarka uga dhiga nafis soo-dhoweeya.

Maxay Tahay Sababta Dadka Qaar Aay U Leeyihiin Dhibaatooyin Khamaar? Fursado lagu khamaaro ayaa meel walba ka jira. Khamaarka aad ayuu caan u yahay, si weyna waa loo ogolyahay xoogna waa loo xayeysiiyaa. Tan macnaheedu wuxuu yahay dad badan ayaa khamaaraya, waxayna u khamaaraan si joogto ah. Badankood ma oga khatarta khamaarka ama calaamadaha dhibaatooyinka khamaarka. Sababtan darteed, dad badan ayaa yeesha dhibaato khamaar iyagoo aan ogeyn waxa ku dhacay. Dad badan ayaa dhibaato la’aan u khamaara. Waxay u arkaan khamaarka madadaalo ama hab saaxiibada loola qaato waqti. In aay guuleystaan ayeey rajeeyaan, laakiin ma filaan in aay guuleystaan. Dadka yeesha dhibaatooyinka khamaarka laga yaabee in aay sidan ku bilaabaan. Laakiin badanaa waxay leeyihiin sababo kale oo aay u khamaaraan, oo aay ka mid tahay: • rajo guul weyn • isku dayid soo cesasho lacag ka luntay • ku reyn-reyn ka qeybgalidda arrimaha khatarta weyn leh • laablakac (qofka sameeya wax isagoo aan ka fikirin) • isku dayid in aay naftooda farxad-geliyaan 14

Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh?

• cidlo • ka baxsasho dhibaatooyinka nolosha • isaga qaadid xanuun jireed ama mid caadifadeed • walaac iyo diiqad (depression) la tacaalid. Noocyada khamaarka weey kala dhibaatooyin badanaan karaan. Tusaale, makiinadaha lacagta lagu rido waxay dabinka ku soo gelin karaan dadka ku ciyaara qaabka joogtada ah ee loo ciyaaro, soo-noq-noqoshada ku guuleysiga waxyaabaha yar-yar, fursadda ku guuleysashada wax ka sii waaweyn iyo waxa u eg sigitaan joogto ah. Laakiin, nooc walba oo khamaar ah dhibaato ayuu noqon karaa.

Sheeyada Khatarta Keena Waxaa jira sheeyo badan oo keena khatar dhibaato khamaar. Sheeyada khatarta keena waa waxyaabaha u keena dadka in aay yeeshaan dhibaatooyin khamaar. Qofka wuxuu ku jiraa khatar dheeraad ah haddii: • uu wax weyn ku guuleystay waqtiyadii uu bilaabay khamaarka • uu leeyahay dhibaato lacageed • mar dhow khasaaro ama isbedel soo gaaray, sida dhibaato xigto, furitaan, shaqo waayid, howlgab ama dhimasho qof uu jecel yahay • uu u khamaarayo si uu ula tacaalo welwel caafimaad iyo/ama xanuun jireed • uu badanaa cidlo dareemayo • uu leeyahay hiwaayado ama waxyaabo uu daneeyo oo tiro yar, ama uu dareemayo in noloshiisa aaysan jaho lahayn • uu badanaa dareemayo xiiso-la’aan, uu khatar u bareero ama isagoo aan ka fikirin uu wax ku dhaqaaqo • uu isticmaalo khamaar, ama aalkolo ama daroogo kale, si uu ula tacaalo dareemo ama dhacdooyin xun • uu badanaa dareemo walaac ama diiqad • la soo xumeeyey ama aay jug soo gaartay • uu leeyahay ama uu lahaa dhibaatooyin aalkolo ama daroogo, khamaar ama si dheeraad ah lacagta u isticmaalo 15

Waxaa jira sheeyo badan oo qofka u keeni kara in uu yeesho dhibaato khamaar.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

• uu ka tirsan yahay qoys leh qof dhibaato aalkolo leh ama daroogo kale, khamaar ama lacag dheeraad ah in uu isticmaalo • uu u maleeyo in uu leeyahay hab khamaar oo kordhinaya fursadda uu ku guuleysanayo. Sheeyada liiskan ku jira ee qofka uu leeyahay marka aay sii bataan, daryeelka uu qofka u baahan yahay si uu wax uga qabto khamaarka wuu sii bataa.

Calaamadaha Sheegaya in Khamaarka uu Dhibaato Yahay Maadaama aad akhrineyso buuggan-yar, waxay u badan tahay in aad ka welwelsan tahay in khamaarka uu waxyeelo u geysanayo qoyskaaga. Dareenadaada aamin. Qoysaska badanaa weey og yihiin in aay wax khaldan yihiin – laakiin waxa khaldan ayeeysan garaneyn. Dadka leh dhibaato khamaar laga yaabee in aay qariyaan ama been ka sheegaan marka aad weydiiso meesha aay jireen, ama lacagta halka aay ka baxday. Arrintan ayaa adkeyneysa in dhibaatada khamaarka la tilmaamo.

Dadka dhibaatada khamaarka leh waxaa dhici karta in aay qariyaan ama tilmaamaha lacageed been sheegaan • Lacag ayaa ka maqan guriga ama xisaabaha bangiga. marka la • Xubin qoyskaaga ah ayaa qariya ama ka carooda wax lacag ku weydiiyo halka saabsan. Wuxuu qariyaa warqadaha bangiga iyo kaarka aay jireen ama kareditka ee la soo diro. lacagta halka • Qofka wuxuu deyn ka qaataa kaararka kareditka, bangiga, aay ka baxday. ama qoyska iyo saaxiibo. • Biilalka waa raseysan yihiin, lacagaha lama bixiyo dadkii deynta bixiyeyna weey soo wacayaan. • RRSP-yada iyo qorshooyinka ceymiska ayaa la sariftay, ama lacagihii lama bixin. • Waxyaabo qiimo leh ayaa la waayaa ama dib-loo-arkaa. • Xubin qoyskaaga ah ayaa shaqo dheeraad ah bilaaba, laakiin wax lacag dheeraad ah ma aragtid. 16

Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh?

• Qofka mar walba lacag ayaa ka dhiman. • Khamaarka iyo deyn bixinta ayuu qofka lacagaha u kala wareejiyaa.

tilmaamaha caadifadeed Xubinta qoyskaaga: • oo ka go’a qoyska iyo saaxiibada • oo u eg in uu walaacsan yahay ama meel fog ku maqan yahay, ama aay ku adag tahay in uu soo jeediyo maskaxdiisa. • oo caadifad ahaan isbedela ama si dhaqso ah u carooda • oo mararka qaar wanaagsan (mararka qofka uu guuleysanayo) • oo ka cabanaya xiiso-la’aan ama deganaan-la’aan • oo diiqadeysan iyo/ama raba inuu is-dilo.

tilmaamaha waqtiga Xubinta qoyskaaga: • oo badanaa ka daaha shaqada ama dugsiga • oo maqan waqti dheer, muddo aan la sharixin.

isbedelada dabeecadaha Xubinta qoyskaaga oo: • joojiya waxyaabo uu ku raaxeysan jiray • bedela dabeecadihii hurdada, cunto cunidda ama galmada • aan sameyn waxa uu yiraahdo wuu sameynayaa, ama cudurdaar sameysta • aan naftiisa daryeelin, ama iska indhatira shaqada, dugsiga ama howlaha qoyska • badanaa isticmaala aalkolo ama daroogo kale • aan sidii ku habooneyd u daryeelin caruurta • ka maqnaada dhacdooyinka qoyska • mar walba ka fikira ama ka hadla khamaar • saaxiibada bedela (gaar ahaan dhowr-iyo-toban-jirada) • leh dhibaatooyin caafimaad ama culeys-maskaxeed (tusaale, madax-xanuun, dhibaatooyin caloosha iyo mindhicirada ah) • been ka sheega khamaarka • aan rabin in uu lacag geliyo wax aan ka ahayn khamaar • khiyaameeya ama xada lacag si uu ugu khamaaro ama deyn ugu bixiyo 17

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

• xurguf lacageed dadka kale kala dhaxeyso • leh dhibaato sharci oo khuseysa khamaar.

ComSida Gargaar Loo Helo Haddii aay kula tahay in saaxiib ama qof qoyskaaga ah uu leeyahay dhibaato khamaar, waxaad heli kartaa gargaar. Cutubka 5 ayaa sida lagu helo kuu sheegi doona.

18

3 Saameynta Khamaarka

Maxaysan Isaga Joojin Karin? Dadka dhibaatada khamaarka leh badankood tartiib-tartiib ayeey u lumiyaan xukunka inta waqti iyo lacag ee aay geliyaan khamaarka. Waxay diiradda saaraan khamaarka waxayna iloowaan waajibaadka kale iyo waxyeelada khamaarkooda uu keenayo. Dadka qaar oo u khamaara si xad dhaaf ah khamaarkooda lama xiriiriyaan dhibaatooyinka noloshooda. Qaar kalena hore ayey isugu dayeen in aay yareeyaan ama joojiyaan, laakiin weey ku fashilmeen. Hadda mar walba oo aay isku dayaan in aay is-bedelaan waxay dareemaan caro-fudud ama xanaaq. Dadka sida xad-dhaafka ah u khamaara badankood dareen isku dhaf ah oo khamaarka ku saabsan ayeey leeyihiin. Weey og yihiin in aay dhibaato u geysanayaan dadka aay jecel yihiin. Laga yaabee in aay noqdaan kuwo walaacsan ama aan faraxsaneyn, oo badanaa naftooda karha. Laakiin rabitaanka xoogga leh (urge) ee khamaarka waa wax aad u weyn oo aan la iska celin karin. Waxay dareemaan in aaysan ka hari karin wixii waqti, lacag iyo caadifad ee aay geliyeen khamaarka. Ma qaadan karaan in aaysan weligood dib ugu guuleysan doonin lacagta aay khasaareen. Dadka qaar kale ayaa balan-qaada in aay joojinayaan, laakiin aan awoodin. Waxay ka baqaan in dadka aay jecel yihiin aay 19

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

og=aadaan. Tan ayaa ku sii fogeysa in aay dhuuntaan oo deynta gudaha u sii galaan. Waxay sii rajeeyaan in guusha weyn aay soo afjari doonto dhibaatooyinkooda. Talaabada koowaad ee dadka leh dhibaatooyin khamaar waa in aay ka daba-haraan khasaarahooda iyo rajadooda guusha weyn. Ka dib ayeey bilaabi karaan in aay dib u helaan xukunka khamaarkooda iyo noloshooda.

Saameynta Qoyska Waxay u badan tahay in aad hore u ogeyd inta aay la eg tahay waxyeelada khamaarka qoysaska u geysan karo. Qoysaska laga yaabee in siyaabo kala duwan aay u saameyso. Dhibaatooyinka khamaarka waxaa la qarin karaa waqti dheer, qoysas badan ayeey naxdin ku noqotaa marka aay ogaadaan inta aay la eg tahay lacagta la khasaaray.

Dadka weey ka bogsoon karaan weeyna ka bogsoodaan khamaarka dhibaatada leh, laakiin waqti iyo samir ayeey u baahan yihiin in arrimahan oo dhan wax laga qabto.

Qoysaska qaarkood kama kabsadaan dhibaatada khamaarka. Qoysas kalena halgan ayeey kaga gudbaan dhibka oo si wadajir ah ayeey ugu sii xoogeystaan. Dadka weey ka bogsoon karaan weeyna ka bogsoodaan khamaarka dhibaatada leh, laakiin waqti iyo samir ayeey u baahan yihiin in arrimahan oo dhan wax laga qabto. Ha gaarin go’aano muhiim ah oo ku saabsan xiriirada aad dadka la leedahay adigoo culeys-maskaxeed ku saaran yahay. Qaado waqti aad kaga fikirto waxyaabaha, oo tixgeli dareenada iyo baahida qoyska oo dhan. La-talin ayaa kaa caawini karta in aad sahmiso doorashooyinkaaga oo dhan oo aad go’aan ka gaarto waxa adiga iyo qoyskaaga idiin wada fiican. (eeg Cutubka 5)

sidee ayeey qoysaska u saameysaa? Dhibaatooyin Lacageed Dhibaatada ugu badan oo dadka ka wada dhaxeysa waa khasaaridda lacagta. Keyd, hanti ama alaab laga yaabee in isla 20

Saameynada Khamaarka

markiiba la waayo. Dhibaatadan lacageed ee xoogga leh waxay qoyska u keentaa in aay dareemaan cabsi, xanaaq iyo in la qiyaamay. Dhibaatooyinka Caadifadeed iyo Go’doonka Dhibaatooyinka khamaarka waxay keenaan caadifado xoog leh. xubnaha reerka laga yaabee in aay ceeb, xanuun, baqdin, jahawareer iyo aaminaad-xumo dareemaan. Dareenadan waxay sii adkeeyaan in la xaliyo dhibaatooyinka. Qofka khamaara laga yaabee in uu xitaa dafiro in aay dhibaato jirto. Go’doonka waa dhibaato kale: • Lamaanayaal badan ma doonayaan in aay caadifad ahaan ama jir ahaan u dhowaadaan qofkii xanuunka u geystay. • Dad badan ee aay saameeyeen dhibaatooyinka khamaarka weey iska dhowraan dadka kale, sababtoo ah waxay dareemaan ceeb. Tan waxay sii adkeyneysaa in qofka helo jaceyl iyo taageero. • Deymaha aan la bixin awgood ayaa saaxiibtinimada ku dhamaan kartaa. Caafimaadka Jirka iyo Maskaxda Culeyska-maskaxeed ee dhibaatooyinka khamaarka mararka qaar wuxuu qofka khamaara iyo qoyska labadaba, u keenaa dhibaatooyin caafimaad. Waxaa ka mid ahaan kara walaac, diiqad iyo dhibaatooyin la xiriira culeyska maskaxda sida Xubnaha qoyska hurdo xumo, nabaro caloosha ah, dhibaatooyin mindhicirada, badanaa waxay madax-xanuun iyo murqo xanuun. diiradda saaraan qofka Daal-xoogan dhibaatada Qoysas badan oo culeys-maskaxeed heysto dhib wuxuu ka khamaarka leh, heystaa la tacaaliddiisa. Xubin ka mid ah ayaa waxaa dhici waxayna karta in uu isku dayo in uu wax isku toosiyo isagoo howlo iloobaan in aay dheeraad ah qabanaya. Tan waxay keeni kartaa daal-xoogan. naftooda Xubnaha qoyska badanaa waxay diiradda saaraan qofka daryeelaan ama dhibaatada khamaarka leh, waxayna iloobaan in aay naftooda madadaalo daryeelaan ama madadaalo helaan. helaan. 21

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Saameynta Caruurta Aay ku Leedahay Marka waalidka ama xanaano-bixiyaha uu leeyahay dhibaato khamaar, caruurta waxay dareemi karaan in la ilooway, diiqad iyo xanaaq. Laga yaabee in aay rumeystaan in aay iyaga dhibaatada keeneen, oo haddii aay “fiicnaadaan,” dhibaatada istaagi doonto. Caruurta qaar waxay daryeelaan walaalahood ka yar iyaga, ama waxay isku dayaan in aay taageeraan waalidkood. Mas’uuliyaddan caruurta waxay u keentaa culeysmaskaxeed. Caruurta waxaa dhici karta in aay rumeystaan in aay ku khasban yihiin in aay waalidiintooda hal dhinac la jiraan. Laga yaabee in aay aamini waayaan waalidka balan qaada wax ee ka soo bixi waaya. Laga yaabee in aay wax ka xadaan waalidka ama dugsiga aay dadka iska horyimaadaan. Caruurta qaar waxaa dhici karta in aay isku dayaan in aay waalidka dhibaatada khamaarka leh ka sii jeestaan, iyagoo: • isticmaala aalkolo ama daroogo kale • khamaara • sharciga jabiya. Waa muhiim in caruurta aay fahmaan dhibaatooyinka qoyska in aaysan khaladkooda ahayn. Caruurta waxay u baahan yihiin in aay ku noqdaan nolol aqal amaan ah oo dheelitiran iyo caruurnimo caadi ah. la-talin qoys ama shaqsi ayaa caruurta ka caawini karta in aay isbedeladan wax ka qabtaan (eeg Cutubka 5). Xadgudub Jireed iyo Caadifadeed Rabshadaha qoyska waxay caadi ahaan dhacaan marka reerka uu ku jiro dhib xoog leh. dhibaatooyinka khamaarka waxay keeni karaan xadgudub jireed ama mid caadifadeed oo lagula kaco lamaanaha, waalid waayeel ah ama ilmo. Caruurta laga yaabee in aay la xanuunsadaan caro ku noqotay. Haddii waxan aay ka dhacayaan qoyskaaga, isla markiiba kaalmo raadso (eeg Cutubka 6). 22

Saameynada Khamaarka

Walaaca iyo Diiqadda Culeys-maskaxeed, walaaca iyo diiqadda weey ku badan yihiin dadka leh dhibaatooyinka khamaarka iyo qoysaskooda labadaba. Tan waxay sii dhib badneyn kartaa hurddada, fikirka iyo xalinta dhibaatooyinka. Haddii aad leedahay calaamadaha soo socda qaar ka mid ah wax ka badan laba toddobaad, oo nolol maalmeedkaaga aay ka dhigayaan wax dhib badan, waxaa laga yaabaa in aad leedahay diiqad xoog badan: • Waxaa kaa lumay daneyntii howlaha caadiga ah. • Waxaa dareemeysaa in aad diiqadeysan tahay, niyad jabsan tahay ama caro-fududahay. • Hurddadaada weey is bedeshay (tusaale, waxaad dhibaato ka qabtaa in aad gama’did ama aad sii hurudid, ama wax aad u badan ayaad huruddaa). • Niyadda aad cuntada u heyso weey is bedeshay. Culeys ayaa kaa dhacay ama ku fuulay. • Waxaad dareemeysaa kaalmo la’aan, rajo la’aan ama niyadjab. • Weey adag tahay in aad fikirto oo aad xusuusato sheeyada, fikradahaadana waxay u eg yihiin kuwo sii gaabinaya. • Waxaad ku noqnoqotaa dareen ah in aad godobta adiga leedahay. Ma joojin kartid in aad ka fikirto dhibaatooyinka. • Waxaa kaa lumay daneyntii galmada. • Waxaad dareentaa in jir ahaan aad daalan tahay, gaabiso oo aad culus tahay; ama waxaad dareemeysaa deganaan la’aan iyo caro-la-soo-boodid. • Waxaad dareentaa xanaaq. • Waxaad ka fikirtaa in aad is-disho. Haddii aad leedahay dhibaatooyinkan wax ka mid ah, la hadal dhaqtarkaaga qoyska ama qof kale oo mihinad u leh daryeel caafimaad. Sidoo kale u sheeg dhibaatada khamaarka. Daaweynta laga yaabee in aay ka mid noqoto daawooyin iyo/ama la-talin iyo taageero kale. 23

Culeyskamaskaxeed, walaaca iyo diiqadda weey ku badan yihiin dadka leh dhibaatooyinka khamaarka iyo qoysaskooda labadaba.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Khatar Is-dilid Tirada isdilidda dadka sida xad dhaafka ah u khamaara iyo xubnaha qoysaskooda weey ka sareysaa dadka kale. Dadka eey u badan tahay in aay isku dayaan in aay is-dilaan waa kuwa sidoo kale leh dhibaato caafimaadka maskaxda ah (sida diiqad) ama isticmaala aalkolo ama daroogo kale. Dadka hore ugu hanjabay is-dilid ama dhaawacay naftooda mar hore ayaa sidoo kale khatar dheeraad ah ku jira. Haddii aad dareemeyso in aad is disho ama aad sameysaneyo qorshooyin aad naftaada ugu dhameyneyso, isla markiiba kaalmo raadso. Ma aha in aad adiga kaligaa dhibaatooyinkaaga wax ka qabato.

waxa la sameeyo haddii aad dareemeyso in aad is-disho Haddii aad ku fekereyso in aad noloshaada soo gabagabeyso: • Tag waaxdaada xaaladaha deg-degga ah isla markiiba. • Ka qaad meesha wixii aad isku dili karto oo dhan (tusaale, bastoolado, daawooyin). • La socodsii qoyskaaga iyo saaxiibadaa sida aad dareemeyso. • Wac Xarunta Dadka Tabaaleysan wixii kaalmo iyo warar ah (eeg bogga 49). • La socodsii dhakhtarkaaga waxa jira, oo aay ku jirto khamaarkaaga. • Ha cabin aalkolo ama ha qaadan daroogo kale – arrimaha weey sii xumeynayaan. • La xiriir Khadka-kaalmada Khamaarka Dhibaatada Leh ee Ontario (1 888 230-3505) ooqabanqaabso in aad aragto la-taliye sida ugu dhaqsaha badan ee suuragalka ah (eeg bogga 47). Caadi ahaan maalmo gudahood ayaa lagu arki doonaa. • La hadal qof aad aaminsan tahay, sida saaxiib ama la taliye ruuxi ah.

24

Saameynada Khamaarka

waxa la sameeyo haddii xubin qoyska ah uu yahay qof is dili raba Xubin qoyska ah laga yaabee in uu leeyahay fikrado is-dilid ah haddii uu: • bedelo dabeecadda, muuqaalka ama dareenka niyadda • u egyahay qof diiqadeysan, murugeysan ama dadka-ka-dhexbaxay • dhiibayo alaabo qiimo weyn leh • ka hadlayo is-dilid iyo haddii uu yiraahdo wuxuu leeyahay qorshe is-dilid • sameeyo dardaaran qoraal ah ama uu ka hadlo waxa ugu dambeeya ee uu jeclaan lahaa. Haddii tan aay dhacdo, waa in aad: • deganaataa oo si taxadar leh u dhegeysataa • u ogolaataa qofka in uu ka hadlo dareenkiisa • aqbashaa waxa uu qofka leeyahay. Ha qiimeyn ama ha isku dayin in aad xaliso dhibaatada. • weydiisaa qofka in uu rabo in uu is-dilo ama uu leeyahay qorshe is-dilid • ka qaadaa wax alla wuxuu qofka isku waxyeeleyn karo (tusaale, hub-gacmeed, daawooyin) • u qaadataa dhamaan hanjabaadaha is-dilidda kuwo dhab ah • ka caawisaa qofka in uu helo kaalmo dad mihinad u leh (tusaale, xarun dadka tabaaleysan, la-taliye, dhaqtar, waaxda gargaarka deg-degga ah ama wadaad) • la socodsii dhaqtarkaaga waxa meesha ka jira • ogolaanin in aad sir ahaan u qariso fikradaha is-dilka ee qofka. U sheeg qof gacan ka geysan kara.

25

4 U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Sideen Uga Joojin Karaa Qofka Khamaarka? Nasiib xumo, kama joojin kartid. Dadka iyaga ayaa go’aansada in aay khamaaraan iyo in kale. Qofka waa in niyadda loo dhisaa si uu isu bedelo. Haddii aad u hanjabtid, laaluushtid ama ciqaabtid, waxyeelada aad u geysaneyso ayaa ka badnaan karta wanaagga. Qoysaska waxay ku noqon kartaa madax-wareer in aaysan lahayn awood aay wax-kaga-qabtaan. Laakiin, weli door muhiim ah ayaad ka ciyaari kartaa in aad ku dhiirigeliso qofka in uu isbedelo. Dadka dhibaatooyinka khamaarka leh badankood waxay u raadsadaan gargaar sababtoo ah khamaarka qoyskooda ayuu waxyeelo u geysanayaa. U sheeg qofka sida khamaarka uu kuu saameynayo, oo isku day in aad isbedelo fiican noloshaada ku sameyso. Tan waxay ka caawini kartaa qofka in uu arko isagana sidoo kale in uu is-bedeli karo. Laga yaabee in aad dareento caro ama xanuun. Tan waxay kugu adkeyn kartaa in aad gacan siiso qofka xanuunka intaas la eg kuu keenay. Qoysaska oo dhan kama gudbi karaan dhibaatooyinkan. La-talinta waxay kaa caawini kartaa in aad 27

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

La-taliyaha wuxuu kaa caawini karaa in aad gacansiiso qofka dhibaato khamaar leh, iyo in aad qoyska ku soo celiso dheelitirnaan caafimaad leh.

* Adapted from Makarchuk, K. & Hodgins, D. (1998). Helping Yourself: A Self-help Manual for Concerned Significant Others and Problem Gamblers. Calgary: Addictive Behaviours Laboratory, University of Calgary; and Prochaska, J., Norcross, J. & Diclemente, C. (1994). Changing for Good. New York: William Morrow.

kala shaandheyso fikradahaada iyo dareenadaada, oo aad eegto doorashooyinkaaga. Tan waxay noqon kartaa talaabo muhiim ah oo ka caawineyso qoyska in uu bogsoodo (eeg Cutubka 5).

sida qoysaska aay uga caawini karaan qofka in uu isbedelo Qoysaska waa kala duwan yihiin oo mid walba wuxuu leeyahay fikradahiisa ku saabsan waxa ka caawini doona qofka in uu isbedelo. Kuwan waa qaar ka mid ah fikrado qoysas badan caawiyey. Waxay kaa caawini karaan in aad gacan-siiso qofka dhibaato khamaar leh, iyo in aad qoyska ku soo celiso dheelitirnaan caafimaad leh. Adigoo gacan ka helaya la-taliye, waxaad baran kartaa in aad: • fahamto heerarka isbedelada oo aad la shaqeyso • u sheegto qofka sida khamaarkiisa uu adiga iyo qoyska idiin saameeyey (laakiin xusuusnow, qeylo waxay u badan tahay in aaysan hore waxba u tarin, marka waqti aadan careysneyn arrintan sameey. Waa muhiim in aad deganaataa marka aad hadleyso.) • u sameyn cudur-daar qofka, oo aadan ka difaacin qofka falalkiisa • daryeel ku haboon siiso naftaada oo aad noloshaada dheelitirnaanta ku soo celisaa • maaliyadaada aad nadaam ku soo celiso • aaminaadda soo ceshato • kaalmo hesho.

Heerarka Isbedelada * Dadka leh dhibaatooyinka balwadda, sida khamaarka, waxay maraan heerar is shabaha marka aay aqbalayaan in aay u baahan yihiin in aay isbedelaan. Qofka sida xad-dhaafka ah u khamaara laga yaabee in uu ka laab-laabto go’aanka isbedelka. Waxaad ku yeelan kartaa saameyn dheeraad ah haddii aad la beegsato taageeradaada heerarkan isbedelada. Weey adkaan kartaa tan waxayna qaadan kartaa xoogaa ku celcelin ah. Kuwo 28

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

badana waxaa kaloo laga yaabaa in aay ogaadaan in aay u baahan yihiin kaalmo la-taliye.

heerka 1: qofka ma daneynayo in uu isbedelo Marka hore, qofka ma arko wax dhibaato ah mana tixgelin doono la-talin. Qofka wuu inkiraa dhibaatooynka khamaarka. Qofka laga yaabee in uu eedeeyo dad kale ama u maleeyo dhibaatada keliya ee jirto in aay tahay lacag la’aan. Waxaad sameyn kartaa in aad: • u sheegto qofka sida khamaarka uu kuu saameeyo • bedesho dhaqdhaqaaqyada caawiya khamaarka • ka caawin qofka khamaara in uu ka baxsado in uu qaato mas’uuliyadda falkiisa • hubiso lacagta qoyska in la ilaaliyo (la-taliye sharci, la-taliye maaliyadeed ama la-taliye khamaarka dhibaatada leh ayaa kaa caawini kara in uu ku hago.) • barato wax ku saabsan khamaarka dhibaatada leh oo aad la wadaagto warka qofka dhibaatooyinka khamaarka leh • naftaada taageero u hesho oo aad bilowdo in nolosha qoyskaaga aad ku soo celiso mid dheelitiran • ku biirto koox taageero oo loogu talagalay qoysaska aay saameyesay khamaarka dhibaatada leh • iska ilaaliso muran – waxba ma tarayo.

heerka 2: qofka ma hubo isbedelka Qofka wuxuu bilaabaa in uu arko in khamaarka uu leeyahay khasaaro. Laakiin qofka ma joojin doono weli. Qofka wuxuu ka fikiri doonaa isbedelka muddo ka hor inta uusan talaabo qaadin. Laga yaabee qofka in uu: • qabsado maalin uu isbedel sameeyo • noqdo qof si ka badan sidii hore u doonaya in uu ka hadlo dhibaatooyinka • noqdo qof kaalmadaada si ka badan sidii hore ugu furan. Qalalaase weyn markuu dhaco ka dib ayaa laga yaabaa qofka in uu soo ogolaado in uu wax ka qabto dhibaatooyinka. Waxay 29

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

noqon kartaa khasaare khamaar oo weyn, isku dayid isdilid ama marka shaqada looga soo eryo khamaar dartii ka dib. Waxaad sameyn kartaa in: • aadan la khamaarin qofka • aad raadiso sida qofka uu kaalmo ku heli karo • aad u gudbiso warka hagahan oo aad ku dhiirigeliso in uu qofka kaalmo helo • aad u soo bandhigto qofka in aad u raacdo la-talin • aad la wadaagto qofk waxa aad ka ogaatay khamaarka dhibaatada leh iyo sida warkaas uu kuu caawiyey • aad ku amaanto qofka in uu doonayo in uu isbedelo • aad ka ilaaliso xaaladaha soo kicin kara khamaaridda • aad taageero caadifadeed u hesho naftaada • aad xuduud cad sameeyso oo aad u sheegto qofka waxa aad sameyn doonto haddii uu qofka sii wado khamaarka.

heerka 3: qofka wuxuu isu diyaarinayaa isbedel Qofka laga yaabee in uu bilaabo talaabooyin yar-yar oo uu ku bedelayo khamaarkiisa, sida sameynta xuduud waqti iyo lacageed. Qofka laga yaabee in uu ka hadlo in uu sameeyo isbedelo ka weyn mar dhow. Qofka laga yaabee in uu doonayo in uu ka hadlo wax dheeraad ah oo ku saabsan abaalmarinada iyo khatarada khamaarka marka uu ka nasanayo. Waxaad sameyn kartaa: • in aad taageerto isbedelada qofka iyo in aad ku dhiirigeliso qofka in uu ka helo kaalmo la-taliye khamaarka dhibaatada leh • in aad kula taliso in qof aamin ah uu maamulo lacagtiisa • in aad xaddido lacagta uu heli karo qofka. Tan waxay meesha ka saari kartaa mid ka mid ah waxyaabaha waaweyn ee khamaarka kiciya (waxyaabaha kiciya waa sheeyada kuu keeni kara in aad khamaarto.) • in aad kula taliso howlo kale si uu ugu bedelo khamaarka.

heerka 4: qofka wuxuu qaadayaa talaabo Qofka wuu yareeyey ama si buuxda ayuu u joojiyey khamaarka. Qofka si dhab ah ayuu wax uga qabanayaa dhibaatada. 30

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Marka aay dadka isku dayaan in aay isbedelaanba, laga yaabee in aay dib ugu laabtaan. Caadi ahaan weey ka soo kabsan karaan ku laabashadan, oo xitaa cashar ayeey u noqon kartaa. Waxaad sameyn kartaa in aad: • taageerto qofka markuu khamaarka ku bedelayo howlo kale • taageerto qofka la-talinta markuu ku jiro • tixgeliso la-talin lamaane ama qoys si loo hagaajiyo isgaarsiinta iyo aaminaadda • joogto wax uga qabato dhibaatooyinka lacageed • diiradda saarto baahidaada iyo ku soo celinta nolosha qoyska mid dheelitiran (eeg bogga 37) • aqbasho in qofka uu dib ugu laaban karo khamaarka.

heerka 5: qofka xukunka gacant ayuu ugu jiraa Qofka wuu joojiyey khamaarka ugu yaraan lix bilood oo wuxuu ka sii shaqeynayaa in uu guusha ku dheganaado. Sida aan hore u soo niri, dad badan ayaa dib ugu laabta khamaarka dhibaatada leh. ku laabashadan waxay ku noqotaa bur-bur qofka dhibaatada khamaarka leh, iyo xubnaha qoyskaba. Laakiin ku laabashada waxay sidoo kale ka caawini kartaa qofka in uu si ka fiican u fahmo dhibaatada. Ugu dambeyn, waxay xoojin kartaa go’aanka qofka ee ah in uu isbedelo. Waxaad sameyn kartaa in aad: • sii taageerto isbedelada nolosha qoyska dheelitirnaan dheeraad ah u keena • isku daydo in aad hagaajiso isgaarsiinta qoyska • ka sii shaqeyso in lacagta qoyska aay xafidnaato • ka caawiso qofka in uu garto oo iska ilaaliyo waxyaabaha kiciya khamaarka • abaalmariso naftaada marka isbedel ku dhaco naftaada iyo qofka aad jeceshahay • aqbasho in qofka uu dib ugu noqon karo khamaarka.

Ku laabashada waxay ka caawini kartaa qofka in uu si ka fiican u fahmo dhibaatada, waxayna xoojin wax ka qabashada dib-ugu-noqoshada Xusuuso, dhibaatada khamaarka laga yaabo in aay sii xumaan kartaa go’aanka karto ka hor inta aaysan soo wanaagsanaan. Dadka qaar oo qofka ee ah in leh dhibaatooyin khamaar aad ayeey ugu adkaataa in aay uu isbedelo. 31

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

dhibaatadooda khamaarka faraha ku qabtaan ama joojiyaan. Haddii qofka uu wax weyn ku guuleysto isagoo isku dayaya in uu joojiyo khamaarka, dhibaatada waxay ugu ekaan kartaa mid sidii hore ka deg-deg yar. Dadka qaar weey joojiyaan khamaarka, laakiin waxay ku bedelaan khamri cabid ama daroogooyin kale. Dabeecaddan weey soo degtaa marka qofka barto in uu ku raaxeysto nolosha khamaar la’aan. Dadka qaar weey ku adag tahay in aay rumeystaan in la-talin eey caawineyso muddadan heerka dhibka badan lagu jiro. Laakiin, dadka badankood, weey caawisaa.

Si Cad War Ugu-Sheegid Waa muhiim in qofka loo sheego sida dabeecaddiisa u saameysay qoyska. Dadka dhibaatada khamaarka leh badanaa xubin qoyska ah oo ku dhiirigelisay awgeed ayeey u tagaan latalin. Laga yaabee adiga naftaada in aad dooneyso in aad hesho kaalmo la-taliye ka hor inta aadan tan sameyn.

talooyinka isgaarsiinta ee qoysaska loogu talagalay*

* Adapted from Addictions Services Kenora problem gambling materials.

• Diiradda saar siyaabaha gaarka ah ee khamaarka idiin saameeyey. Toos u abaar oo isticmaal ooraahda “Aniga” si aad ula wadaagto dareenada iyo xaqiiqooyinka. Tusaale: “Aniga waan ka damqadaa marka aad iman weydo guriga waqtigii aad tiri waan iman.” “Aniga waan careysanahay marka aanan heysan lacag aan isaga bixino biilalka khamaarkaaga dartii.” “Aniga waxaan ka naxsanahay deyntaada khamaarka.” • Is deji. Isku day in aadan eedeyn, u khudbeyn ama caqiido uga dhigin qofka. Waxba ma tareyso. Qofka la socodsii in aad naftaada war iyo taageero u raadsaneyso. • Iska ilaali hanjabaadyada – la socodsii qofka waxa aad sameyneyso haddii qofka uu sii wado khamaarka. Isu diyaari in aad ka dhabeyso. Qofka laga yaabee in uu hore u maqlay in aad hanjabaadyo u sameysay, oo waxaa laga yaabaa in uusan rumeysneyn in aad ku dhaqaaqi doonto. 32

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

• Sii warar waxtar leh. U soo bandhig qofka in aad gacan ka siineyso kaalmo helidda. Baro wax ku saabsan adeegyada latalinta ee khamaarka dhibaatada leh, oo sii qofka ilaha wararka laga helo sida warka uu qofka iskii isugu caawini karo, buugaag iyo fiidiyow. • Samir lahoow. Isbedelka waqti buu qaadan karaa. Ha ka filin in uu qofka qirto dhibaatada, ama uu ogolaado in uu u baahan yahay kaalmo, isla markiiba. Sii wad in aad abuurto miraha isbedelka. U sheeg qofka in qaadidda talaabo waxqabasho aay keeneyso in aay yaraato xurgufta iyo culeyska maskaxda ee qoyska. • Eeg diiqadda iyo fikradaha isdilka ee qofka khamaara, adiga Taageeradaada iyo xubnaha qoyska (eeg bogga 24). iyo gargaarkaaga u muhiim Ka Caawinidda in uu Qofka Mas’uuliyadda waa qofka Dabeecadahiisa iyo Go’aanadiisa Qaato dhibaatada Dadka waxay u badan tahay in aay wax ka qabtaan khamaarka leh, dhibaatooyinkooda khamaar marka aay dhab u dareemaan laakiin waa xanuunka uu keenayo khamaarkooda. Dabcan, kaalmadaada mas’uuliyadda iyo taageeradaada muhiim beey u yihiin qofka leh dhibaato qofka in uu khamaar. Laakiin, weli waa mas’uuliyadda shaqsiga in uu xaliyo saxo dhibaatadiisa. Qofka oo keliya ayaa go’aansan kara in uu dhibaatada. joojiyo ama yareeyo khamaarka. Habka ugu wanaagsan ee loo caawiyo qof waa in la taageero laakiin mowqif adaga laga qaato. U sheeg qofka haddii uu helo kaalmo, waa suuragal in uu isbedelo oo uu xukunka gacanta u gelo. La socodsii qofka in aaysan ahayn in uu keli ku noqdo dhibaatadan. Qoysaska qaar waxay dareemaan in aay ku khasban yihiin in aay bixiyaan deynka khamaarka ee qofka si aay u difaacaan sharaftooda. Laga yaabee in aay doonayaan in aay caawiyaan xubnaha kale ee qoyska ee dhibka ka soo gaaray falalka qofka. Haddii aad bixiso deymaha qofka, waxaa dhici karta qofka in uu u qaato in laga bixinayo deynta haddii uu dhibaato galo. 33

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Tan mararka qaar waxay u keentaa qofka in uu mar kale bilaabo khamaarka. Haddii aad siiso kaalmo dhaqaale, ku adkeyso in qofka uu sidoo kale helo kaalmo la-talin. Haddii aad deyn siiso, u sheeg qofka in uu soo celiyo – xitaa haddii aay noqoto toddobaad walba lacag yar. Qoysas badan ayaa dhib ka qaba in aay tan sameeyaan, oo u baahan kaalmo la-taliye aamin ah. Iska ilaali lacag si toos ah in aad u siiso qofka, tan waxay keeni kartaa khamaar dheeraad ah. (Waxaad ka heli kartaa talooyin dheeraad ah oo ku saabsan sida wax looga qabto dhibaatooyinka lacagta bogga 35) “Jaceylkaaga adag” wuxuu qofka ka caawini karaa in uu wajaho kharashka khamaarkiisa.

“Jaceylkaaga adag” wuxuu qofka ka caawini karaa in uu wajaho kharashka khamaarkiisa. Tusaale: • Qofka ha kala xaajoodo madaxdiisa meesha shaqada wixii ku saabsan daahid ama shaqo ka maqnaasho. • Ku adkeyso qofka in shaqada guriga uu qabto. • Been ha sheegin si aad u difaacdo qofka. • Cudur daar ha u sameyn khamaarka qofka. • Madaxa ha u salaaxin qofka wixii ku saabsan khasaare khamaar ama dhibaatooyin kale ee uu keenay khamaar. • Qofka ha geyn ama ha ka soo qaadin meelo khamaar lagu ciyaaro. • Hala khamaarin qofka. Kiisaska qaar, waxaa dhici karta in aaysan suuragal ahayn in sidan la sameeyo sababtoo ah marka sidan la sameeyo waxay keeni kartaa in qofka uu waxyeelo u geysto naftiisa, ama uu rabshado ku sameeyo dadka kale. Haddii aay sidan tahay, raadso talo qof mihinad u leh isla markiiba inta aadan talaabo qaadin.

Isku Habeynta Lacagta Qoyska Dhibaatooyinka lacagta laga yaabee in aay culeys-maskaxeed ku heyso qoyskiina. Qofka dhibaatada khamaarka leh ayaa mas’uul ka ah in uu gacan ka geysto xalinta howlahan adag. Laakiin haddii qofka uu doonayo, in laga wada shaqeeyo 34

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

dhibaatada waa waxa ugu fiican. Tusaale, helidda lacagta ama deynta ayaa badanaa kicin karta khamaarka. Waxaad gacan ka geysan kartaa cadadka lacagta uu qofka heli karo. Haddii uu ka shaqeynayo in uu isbedelo, waxaad ka wada shaqeyn kartaan in aad: • sameysaan miisaaniyadda qoyska • si taxadar leh oo furan u raad-raacdaan dhamaan kharashyada qoyska • isla wadaagtaan dhamaan diiwaanada maaliyadeed iyo resiityada • isku raacdaan lacagta ama deynta qofka aay tahay in uu heysto, si uusan u damcin in uu khamaaro. Waa kuwan talaabooyin dheeraad ah ee wax ka qabashada lacagta: • Si taxadar leh uga fikir maaliyaddaada inta aadan faraha la gelin deymaha qofka. • Haddii aad deyminyeyso lacag lagu bixiyo biilal, toos ha u siin qofka. Wuxuu damci karaa qofka in uu dib ugu laabto khamaarka. Bedelkeeda, adigaba bixi biilalka. • U bandhig qofka in aad u raacdo la-talinta deynta iyo khamaarka dhibaatada leh. • Samee miisaaniyad qoys oo caqli gal ah si uusan qofka u dareemin baahi ah in uu khamaaro si uu ugu xaliyo dhibaatooyin lacageed. • Ka hel talo khabiir la-taliye deyn, maareeye bangi ama qareen inta aadan bixin jeegag xun, ama aadan la-saxiixin deyn ama warqado dhaqaale oo kale. • U hel qof mas’uul ah oo aamin ah oo maamula lacagta qofka muddada dhow. • Isla qorsheeya sida loo xaddidayo lacagta uu heli karo qofka, ilaa laga xakameynayo khamaarkiisa. Xitaa haddii qofka khamaara uu kula shaqeyn waayo, waxaad weli xaq u leedahay in aad ilaaliso lacagta qoyskaaga.

35

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

talooyinka ilaalinta lacagtaada Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha aad uga ilaalineyso lacagta qoyskaaga khamaar faraha ka baxay: • Raadso talo sharci si aad u ogaato xuquuqdaada iyo talaabooyinka sharciga ee aad u baahan tahay in aad qaado. • Sameyso xisaab bangi oo kuu gaar ah. • Sheeyada qiimaha kuu leh dhigo keydka amaanka ah ee bangiga. • Keydkaaga gasho keyd bond ah oo aadan kala soo bixi karin. • Bangiga weydiiso in uu kaa jaro deynta aad heli karto, oo uusan kuu ogolaan in gurigaaga dib loo geliyo qaan. • Haddii xubinta qoyska uu ogol yahay, ka qaado awoodda saxiixidda (power of attorney) taasoo kuu ogolaaneyso in aad mas’uul ka noqoto go’aanada hantida oo dhan. • Biilalka oo dhan adiga bixi. • Magacaaga ka saar kaararka kareeditka aad wadaagtaan iyo xisaabaha bangiga. • Ka jooji wixii lacago dheeraad ah (overdrafts) ee lagala bixi karo xisaabaha bangiga. • Ha la wadaagin lambarka qarsoodiga ah (PIN), ama ha uga tegin meelaha kaarkaaga kareeditka iyo lacago. • Tuur codsiyada kaararka kareeditka ama deymaha ee ku yimaada boostada. • Mushaaraddaada iyo lacagahaaga u habeyso in si toos ah xisaabtaada bangiga laguugu soo shubo. • Uga dig qoyskaaga, saaxiibadaa iyo dadka uu la shaqeeyo in aaysan wax lacag ah deymin qofka. • Sii qofka gunno lacageed oo toddobaadle ah oo la isku raacay.

Talaabada koowaad waa in la qiimeeyo xaaladdaada dhaqaale. Lacagta la khasaaray intee ayeey la eg tahay? Deyntee la wadaagaa iyo tee u gaar ah qofka khamaara? Talaabadan caadifad ahaan weey adag tahay. Haddii aad leedahay deyn fara badan, ama haddii aay ku dhibeen deyn-bixiyayaasha, u tag la-taliye deyn. La-taliyaha deynta wuxuu kaa caawini karaa in aad maamusho deyntaada 36

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

oo aad miisaaniyad sameysato. La-taliye sharci wuxuu kaa caawini karaa in aad kala saarto deymaha aad wadaagtaan (sida deymaha aad wada saxiixdeen) iyo kuwa aadan wadaagin. La-taliyayaasha la socodsiiya dhibaatooyinka khamaarka.

Ku-soo-celinta Noloshaada Dheelitirnaanta Marka aad diiradda saarto dhibaatooyinka khamaarka oo keliya, nolosha qoyskaaga waxaa ka dhumaya dheelitirnaanta. Ku soo noqoshada nolol-maalmeedka caadiga ah waa qeyb Ku noqoshada muhiim ah oo ka mid ah bogsashada. Waa kuwan qaar ka nolosha mid ah fikradaha aay tahay qoyska oo dhan in aay tixgeliyaan: caadiga ah ee qoyska waa Soo celi nolol-maalmeed caafimaad leh: qeyb muhiim • Cun cuntooyin dheelitiran, oo joogto ah, xitaa haddii aadan ah ee gaajeysneyn. daaweynta. • Waqtiyada cuntada ka dhig waqti qoyska uu leeyahay. • Joogto u jimicso. • Seexo kana soo kac hurdada waqtiyo joogto ah. • Baar caafimaadkaaga, una sheeg dhaqtarkaaga khamaarka xubinta reerkaaga. • Sameyso maalin toddobaadka ka mid ah oo aad raaxeysato, joogteyna. Taageero raadso si aad naftaada wanaag u dareento: • Welwelkaaga la wadaag saaxiibadaa iyo qoyskaaga aad aaminsan tahay. Taageero weydiiso, ee talo ha weydiisan. • Sameyso liis dadka aad ka naxeyso. Wac qof saaxiib ah oo israaca. • Arag la-taliye kaa caawiya in aad la qabsato oo aad u soo ceshato kalsoonidaada. • Raadso koox is-caawisa. Waxay kuu ogolaaneysaa in aad taageero hesho aadna taageerto dad kale. • Beeshaada ku howlanow; tusaale, iskaa-wax-u-qabso samee. 37

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Si fiican wax uga qabo culeyska-maskaxda: • Iska ilaali aalkolo iyo daroogooyin kale –weey kaaga sii darayaan dhibaatooyinka. • Isu ogolow in aad ka nasato welwelka. • Baro in aad garato dareenka niyaddaada, oo aad u sheegto dadka waxa aad uga baahan tahay. • Baro siyaabo aad ku yareyso culeyska-maskaxeed; tusaale, yooga ama daryeel-niyadeed (meditation). • Daryeel baahidaada diimeed iyo ruuxi • Samee liis ah waxyaabaha aad jeclaan lahayd in aad sameyso. Toddobaadkiiba ugu yaraan mid ka mid ah sheeyadaas samee.

Wanaajinta Xiriirka Qoyska Waa muhiim in la soo celiyo aaminaaddii ka dhaxeysay xubnaha qoyska. Laga yaabee arrintan in aay u eg tahay mid aan suuragal ahayn hadda. Xiriir kasta kama soo waaqsado dhibaato khamaar. Laakiin, qoysaska qaarkood, xiriirkooda ayaa ku sii xoogeysta si wadajir ah wax uga qabashada dhibaatooyinka. La-talin lamaane ama qoys ayaa qoyska ka caawini karta in uu ku soo noqdo jidkiisii. Si aad gacan uga geysato soo celinta aaminaadda, waxaad kaloo sameyn kartaa: • In aad tilmaanto siyaabaha aad weli u aaminto qofka. • In aad ku dhiirigeliso qofka in uu daacad ka noqdo waxa ku saabsan qabashada khamaarka, oo aad aqbashaa waxa aad maqasho. Fahmid, taageero iyo in aad ka caawinto xalinta dhibaatooyinka ku abaalmari daacadnimada qofka. • In aad weydiisato qofka in uu kaa caawiyo yareynta welwelkaaga. Tusaale, haddii aad ka baqeyso in uu qofka khamaarayo halkii uu ka shaqeyn lahaa, weydiiso in aad wici karto si aay kaaga baxdo baqdinta. • In aad ku dhiirigeliso qofka in uu sameeyo shaqooyinka qoyska wax ka mid ah. Markuu sidaas sameeyo u wanaagsanow. 38

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

• Toddobaadkiiba mar, in aad kawada hadashaan xanuunadii hore ama welweladaada mustaqbalka. Daacad ka noqo dareenadaada. Markaas ka dib toddobaadka inta ka hartayna, waxa hadda jira wax ka qabta. • In aad waqti fiican wada-qaadataan, idinkoo aan ka hadlin dhibaatooyinka khamaarka. • In aad xusuusato in aay waqti qaadaneyso si loo soo celiyo aaminaadda. • Haddii aad u baahan tahay waqti dheeraad ah oo aad kaga hadasho dhibkaaga iyo dareenada carada leh, tixgeli in aad u tagto koox taageero ama la-taliye.

39

5 Gargaar Helidda

Haddii xubin qoyskaaga ka mid aay leedahay dhibaato khamaar, gargaar ayeey heli kartaa. Adigana waa sidoo kale. Dowladda Ontario waxay meel dhigtaa qeyb ka mid ah lacagaha laga qaado makiinadaha lacagta lagu rido ee yaala kasiinooyinka saddaqada ah iyo tartamada fardaha meelaha lagu qabto. Lacagtan waxay bixisaa: • khadka taleefanka khamaarka dhibaatada leh • la-talinta dadka leh dhibaatooyin khamaar • cilmi-baaris ku saabsan dhibaatada khamaarka • waxbarasho ku saabsan khamaarka oo loogu talagalay dadweynaha iyo dadka mihinadda u leh caafimaadka dadweynaha. Daaweyn lacag la’aan ah, oo aay ku jirto la-talin, ayuu heli karaa qof walba oo uu khamaar saameeyey. Oo aay ku jiraan xubnaha qoyska. La-talinta waxay adiga iyo xubnaha qoyskaaga idinka caawini kartaa in aad dib u soo dhistaan dareenada xumaanta kala gaartay oo aad dib isu aamintaan.

Waa Maxay La-talin La-talin waa meel looga hadlo waxa ka socda noloshaada. Waa meel aamin ah oo qarsoodi ah, mana lagu qiimeyn doono. Lataliyayaasha khamaarka dhibaatada leh waxaa si gaar ah loogu tababaray in aay fahmaan dhibaatooyinkaaga. Adiga iyo la-

41

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

taliyahaada ayaa isla go’aaminaya inta jeer ee aad badanaa u baahan tahay kaalmo iyo waxa laga hadlayo. Ceeb ma aha in aad raadsato kaalmo. Waa talaabada koowaad ee aad faraha ugu dhigeyso dhibaatooyinka khamaarka uu kuu keenay. Ontario la-talin lacag la’aan ah ayuu heli karaa qof walba ee aay dhibaato khamaar saameysay.

Ontario dhexdeeda, la-talinta waa u lacag la’aan qof walba ee uu saameeyey khamaar – ma ahan oo keliya dadka khamaara. Meelaha badankood, hey’ad bixisa la-talin takhasus leh ee khamaarka dhibaatada leh ayaa laga heli karaa guriga meel u dhow. Guryo degaan ah iyo meel maalintii daaweyn loo tago ayaa sidoo kale laga heli karaa meelo ka mid ah gobolka. Intaa waxaa dheer, in la-talin taleefan ah, daaweyn guryaha dhexdooda ah iyo hage gargaar oo iskaa ah sidoo kale la heli karo. Sidoo kale waxaad ka faa’iideysan kartaa adeegyada latalinta dhinaca deymaha, la-talin qoys iyo ilo kale. Khadka Gargaarka Khamaarka Dhibaatada leh (1 888 230-3505) ayaa kugu xiri kara taageerada iyo ilaha aad u baahan tahay. Wuxuu furan yahay 24 ka saac maalintii. Hey’adaha qaarkood waxay bixiyaan balamo fiidkii iyo weekend ah oo loogu talagalay la-talin waji-ka-waji ah. Latalinta waxay noqon kartaa hal-hal, ama lamaane iyo qoys iyagoo aay kula socdaan. Laga yaabee in la heli karo la-talin kooxeed. La-talinta waa qarsoodi, ilaa xadka sharciga ogol yahay. Lataliyaha waa in uu kuu sharaxaa xudduudahan inta uusan bilaabin ka hor. Qofka la-taliyaha ah waa in uu kuu sheegaa wax aad ka fili karto la-talinta iyo waxa adiga lagaa filayo.

Sidee La-talinta Kuu Caawini Kartaa? Marka xubin ka mid ah qoyskaaga uu leeyahay dhibaato khamaar, weey dhib badnaan kartaa in mustaqbalka aad rajo wanaagsan yeelato. La-talinta waxay kaa caawini kartaa in aad 42

Gargaar Helidda

aragto in waxyaabaha aay isbedeli karaan. Waxay kaloo kaa caawini kartaa in aad garato xoogga qoyskaaga iyo talaabooyinka wanaagga ah ee aay dhici karto in aad hore u qaaday. La-talinta waa hab waxbarasho. Go’aano fiican ayaad gaari kartaa, marka aad hesho war cusub. La-taliyayaasha waxay kaa caawini karaan in aad xaliso dhibaatooyinkaaga waaweyn. Waxaa ka mid noqon kara saxidda xaaladdaada dhaqaale, hagaajinta xiriirka qoyska iyo soo celinta aaminaadda adiga iyo lamaanahaada. La-talinta sidoo kale waxay: • kaa caawini kartaa in aad fahamto waxyaabaha u eg in aay faraha ka baxeen • kaa caawini kartaa in aad go’aansato falka aad sameyneyso • ku siin kartaa war waxqabad leh oo ku saabsan sida wax looga qabto dhibaatooyinka lacageed • kugu xiri kartaa la-talin deymeed, adeegyo sharci iyo ilo kale • kaa caawini kartaa in aad fahamto oo aad yareyso waxyaabaha kiciya khamaarka xubinta qoyskaaga • kuu heli kartaa warar ku saabsan adeegyada beeshaada dhexdeeda ah • kaa caawini kartaa in aad maareyso culeyska-maskaxeed, walaaca iyo diiqadda • kaa caawini kartaa in aad aragto in aadan keligaa ahayn.

Sidee Ayeey La-talinta u Caawini Kartaa Qofka Khamaara? La-talinta ma bedeli karto qofka dhibaatooyinka khamaarka leh. Qofka uun baa sameyn kara taas. Marka hore, dad badan ma rabaan in aay joojiyaan ama bedelaan khamaarkooda. Taa bedelkeed, laga yaabee in aay u tagaan la-talinta in aay kaalmo uga helaan dhibaatooyinka lacagta iyo qoyska. La-talin inta lagu guda jiro, ayeey ka ogaan karaan in dhibaatadu tahay khamaarkooda. 43

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

La-taliyaha ayaa siin doona warar, talo iyo taageero. Tan waxay ka caawini kartaa qofka in uu arko in khamaarka uu keeno waxyeelo, iyo in uu go’aan ka gaaro wuxuu ka sameynayo. Lataliyaha waxay u badan tahay in uu ku dhiirigeliyo qofka in uu ka nasto khamaarka, si qofka uu khamaarkiisa faraha ugu qabto una arko waxyeelada uu la imanayo La-talinta waxay ka caawini kartaa xubinta qoyskaaga in uu: • helo khamaarka wax u bedela oo caafimaad leh • garto waxyaabaha kiciya khamaarkiisa • garto waxyaabaha beenta ah ee uu rumeysan yahay oo keeni kara dhibaatooyin • helo habab uu u la tacaalo qabashada khamaarka. La-talinta waxay sida ugu fiican u shaqeysaa marka qoyska oo dhan uu isu yimaado oo uu midba midka kale taageero.

La-talinta waxay sida ugu fiican u shaqeysaa marka qoyska oo dhan uu isu yimaado oo uu midba midka kale taageero. Waa sababtan waxa gargaarka loola diyaar yahay dhamaan xubnaha qoyska. Wixii war dheeraad ee ku saabsan sida la-talinta u caawini karto qofka khamaara, fadlan arag buugga yar ee Problem Gambling: Arrimaha, iyo Doorashooyinka.

Khamaarka Khatarta-Yar Dadka qaar waxay go’aansadaan in aay tahay in aay khamaarka si buuxda u joojiyaan. Kuwo kalena waxay qabsadaan lacag iyo waqti xaddidan oo khamaarka loogu talagalay, ama waxay ka fogaadaan howlaha khamaarka ee keena dhibaatooyinka ugu badan. Haddii xubinta qoyskaaga aay go’aansato in aay sii wado khamaarka, hubi in qofka uu yareeyo khatarta. Khamaarka khatarta-yar macnahiisu waa dadka: • waxay xaddidaan lacagta iyo waqtiga aay geliyaan khamaarka • waxay ogolaadaan khasaarahooda, iskumana dayaan in aay dib u soo ceshadaan

44

Gargaar Helidda

• waxay ku raaxeystaan guulahooda, laakiin weey og yihiin in aay nasiib ku dhacday • waxay khamaarka ku dheelitiraan howlo kale oo madadaalo ah • uma khamaaraan in aay lacag ku shaqeystaan ama deymo isaga bixiyaan • ma khamaaraan marka aalkolo ama daroogo kale aay garashadooda wax u dhinto • marna uma soo deynsadaan lacag ama uma isticmaalaan maalgelin shaqsiyeed ama keydka qoyska in aay ku khamaaraan • uma khamaaraan in aay kaga baxsadaan dhibaatooyin ama dareemo • khamaarka kuma waxyeeleeyaan shaqadooda, caafimaadkooda, maaliyaddooda ama qoyskooda.

45

6 Halka Laga Helo Gargaar

Adeegyada Deegaanka Ka eeg bogga dambe ee jaldiga buuggan magaca iyo cinwaanka hey’adda deegaankaaga.

Adeegyada laga helo Gobolka iyo Qaranka Ontario Problem Gambling Helpline (opgh) 1 888 230-3505 www.opgh.on.ca Adeeg lacag la’aan ah, qarsoodi ah oo aan loo baahneyn in aad magacaaga sheegto. Waxaad wici kartaa 24 ka saac maalintii, toddobada maalmood ee usbuuca. OPGH waxay warka ku bixisaa 140 luqadood. Sidoo kale waxay u dirtaa dadka: • adeegyo la-talin iyo daaweyn loogu talagalay khamaarka dhibaatada leh • adeegyada la-talinta deymaha • adeegyo la-talin oo lagu sameeyo taleefan haddii laga heli karo beeshaada • ururo iskaa-aad-isku-caawineyso sida Gamblers Anonymous iyo Gam-Anon.

47

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Ontario Association of Credit Counselling Services (oaccs) 1 888 746-3328 www.oaccs.com Urur aan-faa’iido-doon-ahayn oo gobolka ah oo siiya wararka una gudbiya dadka 24 xubin oo ah ururada bixiya adeegyada la-talinta deymaha. Adeegyada waxaa ku jira: • miisaaniyad u sameynta • la xiriiridda deyn-bixiyayaasha • deyntaada in aad ku bixiso si aad ka bixi karto • in aad soo ceshato aaminaadda ah in deyn lagu siin karo. Haddii aadan adeegyada beeshaada ka heli karin, adeeg latalin oo taleefan ah ayaad heli kartaa adigoo wacaya 1 888 204-2221. Community Information Centres (CICs) U garaac 0 shaqaalaha taleefanka qeybiya ama isku day in aad garaacdo 211. www.211Ontario.ca CICs waa koox aan-faa’iido-doon-ahayn oo ururiya wararka adeegyada dowladda hoose, adeegyada beesha iyo adeegyada bulsho. Kuwan waxaa ka mid ah adeegyada dhibka-xoogga leh, hooyga iyo la-talinta. Wac shaqaalaha taleefanka qeybiya si aad u ogaato in agagaarkaaga aay ka jirto CIC. Kids Help Phone 1 800 668-6868 www.kidshelp.sympatico.ca khad war iyo taageero ah oo loogu talagalay caruurta iyo dhalinyarada oo 24 ka saac ah, oo lacag la’aan ah. Oo aad Ingiriis iyo Faransiis warka ku heli karto. Parent Help Line www.parentsinfo.sympatico.ca Website-ka Parent Help Line wuxuu ku siinayaa war guud oo loogu talagalay waalidka oo ku saabsan arrimo kala duwan.

48

Halka Laga Helo Gargaar

Waxaa ku jira Maktabad Xiriirin ah (Link Library) oo soo bandhigaysa website-yada barbarbaarinta ah oo leh cilmi-baaristii ugu dambeysay ee mowduucyada sida ku amar taagleen (bullying), qofka oo aan maskaxdiisa soo jeedin karin waxa uu qabanayo (attention deficit disorder), dhalaanka cusub, cadaadiska-maskaxda ee barbaarinta ilmaha iyo waxyaabo kale oo badan. Khadadka Gargaarka iyo Xarumaha Dhibka-culus Wixii ku saabsan xarumaha dhibka-culus iyo khadka gargaarka ee agagaarkaaga ah, wac shaqaalaha taleefanka qeybiya, ama eeg liiska lambarada gargaarka deg-degga ah ee ku yaala buugaaga taleefanka dushiisa. Gamblers Anonymous (ga) 416 366-7613 www.gamblersanonymous.org ga waxaa laga heli karaa beelo badan. ga waxaa lagu saleeyey Alcoholics Anonymous, waxay isticmaalaan wajahaad 12talaabo ah si uu qofka u bogsoodo. Gam-Anon and Gam-Ateen 416 366-7613 www.gam-anon.org Gam-Anon waa taageero jiileed oo loogu talagalay xubnaha qoyska iyo saaxiibada ee leh dhibaato khamaar. Waxay ka caawineysaa in aay la qabsadaan, oo joojiyaan in aay naftooda ku eedeeyaan dhibaatooyinka khamaarka ee qofka, iyo in aay diiradda saaraan caafimaadkooda iyo wanaagooda. Responsible Gambling Council www.responsiblegambling.org urur aan-faa’iido-doon-ahayn oo la shaqeeya shaqsiyaadka iyo beelaha si aay wax uga qabtaan khamaarka hab mas’uuliyad leh oo caafimaad qaba. Golaha wuxuu mas’uul ka yahay barnaamijyada cilmi-baarista iyo war-gaarsiinta dadweynaha ee loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka khamaarka la xiriira.

49

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Ilaha Sharciga Lawyer Referral Services (lrs) General Referral: 1-900-565-4577 www.lsuc.on.ca/public/a/finding/lrs/ lrs waxay ku siin doonaan magacyada qareenada (oo aay ku jiraan kuwa aqbala kaalmada sharciga) ee agagaarkaaga ah ee bixiya nus-saac wadatashi lacag la’aan. Lacag $6 ayaa taleefankaaga lagu soo dalici doonaa. Khadka dhibka-xoogga leh lacag la’aan baad ku isticmaali kartaa haddii aad ka soo waceyso cisbitaal ama xabsi, haddii aad ka yar tahay 18, ama haddii aad guri la’aan tahay ama dhib-xoog leh ku heysto. Community Legal Education Ontario (cleo) 416 408-4420 www.cleo.on.ca cleo waa rug sharci beeleed oo soo saara qoraalo luqad fasiix ah ku qoran oo loogu talagalay dadka dakhliyada hoose. Mowduucyada waxaa ku jira kaalmada bulshada, sharciga mulkiilaha iyo kiraystaha, sharciga qaxootiga iyo soogalootiga, ceymiska shaqaalaha, arrimaha dumarka, sharciga qoyska, ceymiska shaqada iyo xuquuqda aadanaha. Legal Aid Ontario 1 800 668-8258 www.legalaid.on.ca Legal Aid wuxuu kaa caawini karaa in uu kaa bixiyo kaalmo sharci haddii dakhli hoose aad leedahay. Haddii aad xaq u leedahay, waxaad heli kartaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay dhibaatooyin sharci oo noocyo kala duwan ah, oo aay ku jirto arrimo dambi, sharciga qoyska, iyo sharciga qaxootiga iyo soogalootiga. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in aad kaalmo u heshid kiisaska madaniga ah qaarkood iyo rafcaanada kama dambeysta ah.

50

Halka Laga Helo Gargaar

Buugaagta Lagu-taliyey in La-aqriyo Berman, L. & Siegal, M.-E. (1999). Behind the 8 Ball: A Guide for Families of Gamblers. New York: Simon & Schuster. Blaszczynski, A. (1998). Overcoming Compulsive Gambling: A Self Help Guide Using Cognitive Behavioural Techniques. London, England: Constable & Robinson. Federman, E., Drebing, C. & Krebs, C. (2000). Don’t Leave It to Chance: A Guide for Families of Problem Gamblers. Oakland: New Harbinger. King, A. (1999). Diary of a Powerful Addiction. Tyndall, MB: Crown Publishing. Little, D. (2002). Losing Mariposa: The Memoir of a Compulsive Gambler. Toronto: ecw Press. Little, M. (c. 1999). The Other Woman Was Lady Luck: True Stories from Monte Carlo to Casino Windsor. Manitoulin Island, ON: Lady Luck Enterprises. Makarchuk, K. & Hodgins, D. (1998). Helping Yourself: A Selfhelp Manual for Concerned Significant Others and Problem Gamblers. Calgary: Addictive Behaviours Laboratory, University of Calgary. Prochaska, J., Norcross, J. & Diclemente, C. (1994). Changing for Good. New York: William Morrow. Raabe, T. (2001) House of Cards: Hope for Gamblers and Their Families. Carol Stream, IL: Focus on the Family/Tyndale House.

51

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Website-yo Faa’iido leh Centre for Addiction and Mental Health www.problemgambling.ca Websitekan balaaran oo loogu talagalay dadka mihinadaha leh iyo dadweynaha wuxuu siiyaa warar iyo ilo ku saabsan khamaarka dhibaatada leh, wuxuuna albaab laga galo u yahay boggaga web-ka ee khuseeya arrimahan. Compulsive Gamblers Hub www.cghub.homestead.com koox iskood isu caawiya oo internetka ah oo ku saleysan Gamblers Anonymous. GamBlock www.gamblock.com GamBlock waxay dadka hor-istaagtaa helitaanka aagaga khamaarka internetka helitaankooda. Ddka leh dhibaatooyin khamaar waxay ka caawisaa in aay iska ilaaliyaan khatarada khamaarka internetka. US$74.95. Journal of Gambling Issues www.camh.net/egamblingdaabacaad internetka ah oo sahmiya cilmi-baaris khamaar, daaweyn, nadaam iyo waayoaragnimo dad khamaar leh, oo leh wax xun iyo wax wanaagsan labadaba. Mood Disorders Society of Canada www.mooddisorderscanada.ca Niagara Multilingual Problem Gambling Program www.gamb-ling.com website afaf badan ah oo 11 luqadood oo kala duwan ku qoran: Carabi, Shiinees, Ingiriis, Faarsi, Hindi, Talyaani, Boortuqiis, Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Urduu, oo leh warar af ahaan iyo dhaqan ahaanba ku haboon, madal email oo su’aal/jawaab ah, iyo ku xirid website-yo kale oo la xiriira.

52

Problem Gambling: The Issues, the Options

Ontario Problem Gambling Research Centre www.gamblingresearch.org Hey’ad bixisa maaliyad oo maalgelisa cilmi-baaris ku saabsan khamaarka dhibaatada leh, kordhisana awoodda Ontario ee lagu sameynayo cilmi-baaris ku saabsan dhibaatooyinka khamaarka, oo faafisa natiijooyinka cilmi-baarista. YouthBet www.youthbet.net ymca Youth Gambling Program www.ymcatoronto.org/gambling Sidoo kale arag website-yada ku taxan adeegyada Gobolka iyo Qaran, bilowga bogga 47.

53

Ontario Problem Gambling Helpline 1 888 230-3505

Suggest Documents